Dowlada Uk oo Iibinta Naadiga Chelsea fasaxday

Dowlada UK ayaa fasaxday in maalqabeenka Ruushka u dhashay ee Roman Abramovich uu iibiyo kooxda kubadda cagta Chelsea ee uu horay u sheegay in uu iibinayo.

Naadigan ayaa waxaa £4.25bn ku iibsaday shirkad uu hoggaaminayo maalqabeenka Mareykanka ee Todd Boehly.

Dowladda UK ayaa sheegtay in ay bixisay shatiga fasaxaya iibka Chelsea, kadib markii ay ku qanacday in tani aysan “wax faa’iido ah u yeelan doonin Roman Abramovich ama qof kasta oo kale oo la cunaqabateeyey”.

Abramovich wuxuu ka mid yahay maalqabeenadda Ruushka ee la cunaqabateeyey ka dib duullaankii Ukraine.