Video:-Xaalka Somaliland oo cirka isku shareeray iyo M.Kaahin oo hadlay

Xalay,waxaa fashilmay wada xaajoodkii ugu danbeeyay Xisbiyada Mucaaradka iyo Dowlada Somaliland.

Doodu waxay ka taagan tahay Labo arimood oo kala ah…

1.Mudo Kororsi ii ogolaada hadii kale ana tiinaan burburinayaa oo furashada Ururada,ayaan amrayaa.

2.Xisbiyada oo taagan “Maya” ee Doorashada Madaxweynaha wakhtigeeda ku qabo,iyadaa sharciya.

Kulankii Xalay,waa lagu kala dhaqaaqay,iyadoo waliba aysan muuqan rajo layskugu soo laaban doono.

Isla Maanta,waxaa la dhaariyay Gudigii Diiwaan gelinta Ururada.

Maxamed Kaahin oo shir jaraa’id qabtay,waxuu sheegay in aysan iyagu dagaal ku baaqin.

Si kale hadii loo dhigo,waxaa markale Siyaasada isku hardinaya Garxajis haysta awooda Mucaaradka iyo Xukuumadii oo ay gacanta ku hayaan Jeegaanta Habar Awal iyo Habar-jeclo.

Lama saadaalin karo in xaaladu ka gudubto xayndaamka kala goosiga siyaasadeed oo ay isku badasho dagaalkii Habraha ee Waqooyi,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka