Deni oo Puntland kusoo wajahan samaynaya isku Shaandhayn

Waxaa soo daba yaraaday wararkii sheegayay in Deni laftigiisu qaadanayo booska Ra’isalwasaaraha.

Sida la filayo Madaxweyne Deni,waxuu dib ugu laabanayaa Garowe Maalmahan soo socda.

Isku shaandhayn Dowladiisa ah in ay miiska usaaran tahay ayay wararku sii sheegayaan Madaxweyne Deni.

Wasiirka Maaliyada in loo rarayo isku shaandhaynta cusub ayay wararku sheegayaan Dhabancad–ka aan hogaamiyaha Siyaasadeed ahayn balse shaqa yaqaanka ah.

Deni waxuu qaatay taladii ahayd deji xaalka Puntland oo dhamee dhamaan khilaafaadka jira sida wararku sheegayaan.

Karaash In ay wada hadleen oo balameen ayay wararku sheegayaan.

Isimadii iyo Siyaasiyiintii ay isku seegeen Doorashadii Xildhibaanada Fadaraalka,waxuu uhaatinayaa gacan furan iyagana.

Sidoo kale majiri doono khilaaf danbe oo dhanka PSF ah,waxuuna dhamaystiri doonaa balamihii laysku ogaa sida wararku sheegayaan.

Kooxda Aaran-jaan oo ay isku soo seegeen Xamar,ayuu laftigooda wada hadli doonaan oo gogol garnaqsi,ay ubalansan yihiin.

Aaran-jaan xubnaha ugu macnaha badan oo aan wax ka waydiiyay Eeda fogaatay ee loo haysto waxay ku doodayaan in balan ka baxa Deni ku horeeyay.

Si kastooy tahay Puntland waxay ubaahan tahay Siyaasad degan,wax wada cun iyo isqaadasho.

Jibril Qoobey.