Masar:-Faahfaahin Gabadha Somalida ah Ee dishay Ninka isku dayay in uu Kufsado

Gabadha ayaa la sheegay in ninkan ahaa darawal gaari ay dishay ka dib markii ay mindi la dhacday.

Gabadhan oo dilka ka dib booliiska isu dhiibtay ayaa waxaa ay imika Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ay amar ku bixisay in la sii daayo.

Baaritaanada kiiska gabadhan ayay xeer ilaalintu sheegtay in ay sii socon doonto ilaa laga soo gabagabaynayo.

ilaa iyo imika booliiska dalka Masar iyo waliba warbaahinta dalkaasi ma aysan shaacin magaca gabadhan oo da;deeda lagu sheegay 15 jir.

Sida ay qortay warbaahinta dalka Masar gabadha ayaa saarnayd gaari taksi ah markaasi oo darawalkii taksigaasi uu isku dayay in uu kufsado.

Mindi uu ku cabsiinayay darawalka la sheegay in uu doonayay in uu kufsado ayaa la sheegay in ay gabadha gacanta u gashay ayna laabta ka galisay.

Gabadhan Soomaaliga ah ayaa markii ay booliiska su’aalo waydiiyeen waxa ay qiratay in ay dishay darawalka ka dib markii uu isku dayay in uu kufsado.

Baaritaan hordhac ah oo la sameeyay ka dib ayaa waxay booliiska xaqiijiyeen in falka uu u dhacay sida ay gabadha sheegtay.