Qaybta Koobaad Xogo ku saabsan Ciidankii loo qaaday Eretereya

Ciidamadii loo qaaday Eretereya waxay ahaayeen 7000 oo Askari.

3000 oo Ciidanka Badda loo tababarayay.
4000 oo Ciidamada Lugta loo tababarayay.

Ujeedka laga lahaa Ciidankan,waxay ahayd in Dalka lagu qabsado oo aysan doorasho dib uga dhicin.

Farmaajo,waxuu istusay oo ay kula taliyeen Abiy iyo Afawerqi in uu iska daayo Doorashada Dalkana Ciidan ku qabsado.

Qorshe,waxaa la diyaarshay lagu dhisayo 30-kun oo Askari oo min 10-Kun looga keenayo 3-da Dal ee Somaliya ,Itoobiya iyo Eretereya.

Ciidankaas,waxaa la rabey in hadba loogu gurmado 3-da Hogaamiye hadba kii gurmad deg-deg ah ubaahda.

Nasiib wanaag,waxaa qorshihii fashiliyay dagaalkii Tigreega oo Abiy,ayaa ubaahday gurmad ka horeeya kii ahaa in Farmaajo loogu hiiliyo Doorashada in aysan qabsoomin.

Waxaa la ogsoon yahay in Ciidankii 7000-kun ahaa ee laga qaaday Somaliya ay ku dhinteen dagaalkii Tigreega 700-800 oo ka mid ah.

Sidoo kale 2000 oo kale,ayaa la fahansan yahay in ay waxna tahriibeen waxna dib ugu soo laabteen Dalka si dhuumasha ah.

Ciidanka hada ku sugan Eretereya,ayaa lagu qiyaasay in ay dhan yihiin 3000 oo Askari oo ubaahan ugu yaraan in laga daweeyo Maskax ahaan iyo Jir ahaan.

Haatan Galkii Ciidankaas,waxaa Gacanta loo geliyay Mahad Salaad Agaasimaha cusub ee Nisa.

Jibril Qoobey.