Sharci Xakamaynta Iibsiga Hubka ah oo markale ay hor istaageen Jamhuuriyiinta Senetka

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee ka tirsan aqalka Senate-ka ee Maraykanka ayaa hor istaagay isku day ay wadeen mudanayaasha xisbiga Dimoqraadigu oo ay doonayeen in lagaga doodo tallaabooyin lagula dagaalamayo falalka argagixisanimada gudaha Maraykanka.

Aqalka Wakiillada ee Maraykanka oo ay maamulaan xisbiga Dimoqraadigu ayaa toddobaadkii hore waxay ansixiyeen tallaabooyin lagu xakamaynayo falalka argagixisada gudaha, ka dib toogasho wadareedkii bishan ka dhacday dukaan lagu iibiyo raashinka oo ku yaalla magaalada Buffalo ee New York, halkaasi oo nin dhalinyaro ah oo caddaan ah lagu eedeeyay inuu si gaar ah u beegsaday oo dilay 10 qof oo Madoow ah.

Isku dayga ay sameeyeen mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga ee ka tirsan golaha Senate-ka oo ay doonayeen in laga doodo xeerka xakamaynta falalka argagixisada gudaha ayaa ku soo beegmaya, iyada oo saddex maalmood uun ka hor uu wiil dhalinyaro ahi uu laayey 19 caruur ah iyo laba macalin oo ku sugnaa dugsi hoose oo ku yaaalla gobolka Texas.

Mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga ayaa sannado badan waxay ku guuldarraysanayeen inay ka gudbaan diidmada mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ee ka soo horjeeda in la xakameeyo iibsiga hubka iyo weliba in la baadho qofka doonaya inuu hubka iibsado.

Illaa hadda ma muuqato wax calaamad ah oo muujinaya in senatarrada xisbiga Jamhuurigu inay diyaar u yihiin inay ka tanaasulaan aragtida ay kaga soo horjeedaan in la soo saaro sharciyo xakamaynaya iibsiga hubka, iyaga oo u arka haddii la soo saaro tallaabooyin amraya in la baadho dadka hubka iibsanaya inay saamayn ku yeelanayso xuquuqda hub iibsiga ee muwaadiniinta sharciga u hoggaansan.