Wasiiro iyo Talyayaal Ciidan oo ay saamayn doonto isku shaandhaynta Deni

Agaasimaha Sirdoonka Puntland,Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland waxay safka hore uga jiraan xubnaha isbadalka Isniinta la filayo in uu taabto.

Sidoo kale Xasan Shire Wasiirka Maaliyada iscasilaadii suuqa gashay,waxaa la xaqiijinayaa in ay dhab tahay oo uu booska banaynayo bixinta Mushahaaraadka oo isku gaaray Labo Bilood kadib.

Xasan,waxuu ku marmarsiinayaa khilaafka Karaash iyo Deni in uusan qayb ka noqon karin oo uu rajo siyaasadeed leeyahay.

Madaxweyne Deni beri,ayuu ku aadan yahay Garowe.

Jibril Qoobey.