Dowlada Somaliland oo mamnuucday Banaanbaxyada Mucaaradka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa mumnuucay bannaan-baxyada mucaaradku ku baaqay.

Wasiir Kaahin, ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha mucaaradku u iman waayeen si ay uga wadahadlaan nooca bannaan-baxyada ay doonayaan.

Wasiirka ayaa amray laamaha ammaanka in ay gutaan waajibkooda oo ah ilaalinta Ammaanka.