Ma ubaahan tahay dib uhabayn balaaran Hay’ada sirdoonka Nisa?

Hay’ada Sirdoonka Dowladihii rayidka waxay kala ahaayeen Laba Hay’adood.

Hay’ada Wardoonka Mileteriga oo Dibada ku jihaysnayd iyo Qayb muhiimad gaar ah lasiiyay oo Sirdoon.

Qaabkaas,waxaa udhisan ilaa iyo hada Dowlado reer Galbeed ah oo ay Denmark ku jirto.

Inta badan Caalamka,waxaa hogaamiya Hay’adaha sirdoonka Looyaro iyo Diblomaasiyiin.

Kacaanku markuu dhashay,waxaa la mideeyay Labadii Hay’adood ee Wardoon,waxaana loo sameeyay Hal Xeer.

Hogaaminteeda,waxaa Gacanta loo geliyay Saraakiil Ciidan 1970-1980-kii,waxaa hogaaminayay Axmed Saleebaan Dafle.

1980-1989,waxaa hogaaminayay Jen.Jibril.

1989- ilaa burburkii,waxaa hogaaminayay Cirday.

Hay’adaas waxaa la sameeyey 1970-kii, waxaana loo yaqaanay The National Security Service “NSS”.

Waxaa lagu sameeyey Xeerka No. 14/15/02/1970, DKMG Q.126.

Hay’adii NSS waxaa laga dhigay mid utaagan ilaalinta hogaamiyihii markaa talada hayay,waxaana lagu caburiyay Bulshadii Somaliyed.

Haatan,waxaa loo baahan yahay in dib-u habayn lagu sameeyo magaceeda iyo Xeerarkeeda.

Sidoo kale Dabeecadeeda shaqo,Maamulka iyo qaab-dhismeedka.

Hay’ado Sirdoon oo Fadaraaliya oo kala leh Laba Shaqo oo dibad iyo gudo ah,ayaa Somaliyada Maanta la jaanqaadi kara.

Jibril Qoobey.