Maxaa laga dheehan karaa warbixinta Maaliyadeed Ee Dowlada Fadaraalka ay soo saartay?

Warbixin Maaliyadeed ayay soo saartay Wasaarada Maaliyada Dowlada Fadaraalka.

Dhaliisha ku jirta,waa in niyad jab laga muujiyay shaqo abuur oo aysan Dowladu awoodin in ay qaadato shaqaale cusub dhaqaale yari darteed.

Waxay Wasaaradu ilowsan tahay in shaqo abuurku uusan ahayn oo kaliya Shaqaale cusub oo Dowladu qaadato oo si kale Dadka shaqo loogu samayn karo,iyadoo la kaashanayo Gacmo kale.

Muhiimada Warbixinta ku jirta,waxaa ugu weyn in ay isku xiran yihiin Siyaasada iyo taageerada Beesha caalamka.

Waxaa muuqata 2-dii sano ee ugu danbeeyay jahwareerkii weynaa ee Dalku galay in ay saamayn xun reebtay.

Xasan Shiikh hadii uu qaado Wadadii Farmaajo,isagoo ka raacaya dantiisa gaarka ah oo uu keeno Ra’isalwasaare aan shaqadiisa ku filnayn.

Sidoo kalena farageliyo Maamul Goboleedyada Doorashooyinkooda iyo hogaamintooda waxay keeni doontaa fashil rasmi ah oo ku yimaada soo kabashada dhaqaalaha Dalka.

Dhadhanku waa in la dhiso hanaan Dowladeed oo isu dheelitiran salkiisuna yahay Dimuqraadiyad iyo ilaalinta xeerarka Fadaraaliga ah.

Hadiise Xasan raadiyo RW isaga sida uu rabo u Eg iyo Madax Dowlad Goboleed oo aan waxba kusoo kordhin karin hanaanka Dowladnimo oo magac uyaal ah Dalku waa fashilmayaa si dhamaystiran.

Halkan ka akhriso:-

Jibril Qoobey.