Wararkii ugu danbeeyay Ee Qaraxa Degmada Afgooye

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, halkan afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qarax goor dhaweyd ka dhacay Afgooye, kaas oo lala eegtay gaari uu saarna guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Afgooye Xuseyn Jibriil.

Cabdulqaadir Iidle oo ah Suxufi ku sugan Afgoore,ayaa sheegay in qaraxani uu ahaa miino guriga Xuseen Jibriil hortiisa loo galiyay.

Waxa uu sheegay in Ciidamada amniga ay iminka ku sugan yihiin goobta uu qaraxu ka dhacay.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Afgooye Xuseen Jibril ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxan.

Ma jirta koox iyo illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxan.