Muxuu isku casilay Gudoomiyihii Gudigii Doorashada Somaliland?

Cabdirashiid Maxamuud Wacays (Riyo-raac),ayaa sheegay inuu isu casilay.

“Waxa sababay is casilaadda waxa ay ahayd khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo ka dhex jira Komishinka, mana jirto wax culeys ah ama cid culeys igu saartay in aan is casilo, sidaas awgeed aniga ayaa isku casilay” Ayuu yiri Cabdirashiid (Riyo-raac).

Doodda ka dhalatay Doorashada guud ee Somaliland oo ku astaysan in ay qabsoonto 13-ka November 2022,ayaa meel sare gaartay.

Muuse Biixi iyo Dowladiisa,ayaa u muuqda in ay ka caga-jiideyso dardargelinta iyo diyaargarowga Doorashada.

Xisbiyada Mucaaradka,ayaa dhankooda ku eedeeyay Muuse iyo Maamulkiisa in uu muddo kororsi damacsan yahay.