Maxay kawada hadleen Puntland iyo wafuuda Finland iyo Norway?

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Safaaradaha Finland iyo Norway.

Shirka ayaa looga hadlay xaalada guud ee Abaaraha deegaanada Puntland, xoojinta taageerada dhinaca waxbarasha ee ay Puntland siiyaan dowladdaha Finland iyo Norway, Maamul baahinta iyo Dimuqraadiyada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahadceliyey weftiga booqashadooda Puntland iyo taageeradooda.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay sida ay Puntland uga go’an tahay xoojinta wada shaqaynta ay la leedahay deeq bixiyayaasha.