Video:-Maamulada Mudug iyo Doollo oo heshiis iskaashi amaan gaaray

Waxaan ka safarnay taariikhdu markay aheyd 01-06-2022 anagoo kala ah:-

Godoomiyaha Gobolka Mudug Xassan Cabdullaahi Warsame.,Duqa Dagmada Gaalkacyo, Maxamud Cabdi Nuur, Xisaabiyaha G/Mudug Ismaciil Geeseey , Duqa Degmada Galdogob Cabdiqafar Sh Ibrahim, Taliyaha Qeybta G/Mudug Muumin Cabdi Shire, Taliyaha Aaga G/Mudug Sharmarke Shiikh doon,Talyaha Nabadsugida G/Mudug Maxamed Khaliif Jaama, Gudoomiyaha Maxkamada G/Mudug Darajada 1-aad Cabdinasir Maxamed Cali,Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka G/Mudug Maxamed Cismaan Aadam iyo Xeer ilaaliyaha G/Mudug Cabdifitah Cismaan Aadan.

Waxaan uga mahadcelinaynaa sidii sharafta iyo qiimaha badneyd ee ay noosoo dhaweeyeen Maamulka Gobolka Doolo oo aan runtii lagu soo koobi karin qoraal, waxaan leenahay mar kale waad ku mahadsan tihiin, waxaana rajeynaynaa inaan idiin maamuusi doono sidaad noosoo dhaweyseen si lamid ah.

Labada maamul waxay kawada hadleen si weyna iskula fahmeen in ay kawada shaqeeyaan Ganacsiga, Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, fududeynta isku socodka shacabka iyo Gaadiidka, joojinta khamriga, qabashada gacan ku dhiiglaha usoo carara labada dhinac, ladagaalanka Argagixisada.

Labada Maamul waxay uwada shaqeyn doonaan si joogto ah iyadoo loo xilsaaray gudi labada dhinac ah oo dardar galiya wada shaqeynta labada Maamul.

Hassan Abdullaahi Warsame,
Kusimaha Gudoomiyaha G/Mudug, ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga G/Mudug.

Halkan ka daawo muuqaalka