Doorashadii Canada oo Somalida Dalkaas ay kala kulmeen guuldaro

Gobolka Ontario ee dalka Canada, waxaa habeennimadii Khamiista ka dhacday doorasho si aqlabiyad ah uu ugu guuleystay xisbiga Progressive Conservative-ka, kaasi oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka talinayay gobolkaasi.

Soomaalida deggan Gobolka Ontario ee Dalkaas doorashadan waxey u aheyd mid ay niyad-jab kala kulmeen.

Faysal Xasan oo ahaa Soomaaligii ugu horreeyay ee ka mid noqda baarlamanka gobolka Ontario, isagoo afartii sano ee la soo dhaafay matalayay xaafadda York, South-Weston ee magaalada Toronto,ayaa lagaga guulaystay Doorashadan.