Gudigii Doorashooyinka Somaliland oo si dhamaystiran isku casilay

Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida doorashooyinka Somaliland,ayaa maanta iscasilaadooda u gudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaa ka horreeyay saddex xubnood oo kale oo iyaguna horay u shaaciyay inay ka baxeen guddiga.

Tani ayaa ka dhigan in gebi ahaanba uu burburay guddiga doorashooyinka Somaliland, xilli lagu waday in 13-ka November ay dhacdo doorashada madaxweynaha.