Madaxweynaha Faransiiska oo si weyn udhaleeceeyay Putin

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron,ayaa sheegay in uu Vladimir Putin u uu galay “khalad taariikhi ah oo aasaasi ah” markii uu ku duulay Ukraine.

Macron sidoo kale meesha ma uusan ka saarin,booqasho uu dhawaan ku tagi doono Kyiv .

Hogaamiyaha Faransiiska,ayaa xiriir aad u badan la yeeshay Putin tan iyo markii ciidamada Ruushka ay weerareen Ukraine, marka loo eego inta badan dhiggiisa reer galbeedka