Asiyas oo kasoo horjeeda Xabad joojinta Tigreega iyo Abiy

Saraakiisha Eritrea ee ka barbar dagalamayey Dawlada dagaalkii sagaal iyo tobanka bilood Socday ee u dhexeeyay dawlada federalka iyo Kooxda TPLF, ayaa lasheegayaa in aysan Doonayn inay wadahadlaan labada dhinac ee is Haya oo ay ilaa kooxda TPLF meel la saaro Dagaalka lawado.

Masuul aan magaciisa la shaacin oo ka tirsan Wasaarada arrimaha dibada ee federalka ayaa u Sheegay Wargeyska The Reporter.
Isla sarkaalkaas sheegay in Abiy uu doonayo in la soo afjaro dagaalka, balse Eritereya ayaa Qaba aragti ah in lala dagalano ilaa dhamaadka Inta meel laga saarayo kooxda TPLF‼️

Dawlada Federaalka iyo kooxda TPLF, oo iyadu Mas’uul ka ah dhimashada dad badan ayaa
Hada qaba in si nabad ah lagu xalliyo dagaalka.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u Qaabilsan Geeska Afrika Olisegun Obasanjo Ayaa todobaadkii hore booqasho ku tagay Magaalada Mekele ee deegaanka Tigrayga Wuxuuna wadahadalo la yeshay gudoomiyaha Ururka TPLF Dr. Debretsion Gebremichael.

Ergayga gaarka ah ayaa maalintii xigtay ku Laabtay Addis Ababa, kadib raacay R/w Abiy oo Booqasho ku tagay gobolka Bale Robe ee Deegaanka Oromia.

Ergayga gaarka ah ee AU Olisegun Obasanjo Ayaa la filayaa in uu maalmahan ku dhawaaqi Doono heshiiska xabad joojin ah oo u dhexeya Dawlada iyo kooxda TPLF.

Abdinur Abdella.
.