Madaxweynaha Ukrain oo booqday Jiida hore Ee dagaalka

Madaxweynaha Ukraine Zelensky,ayaa wakhti la qaatay Ciidamada kusugan jiidda hore ee Bariga Donbas – halkaas oo uu Ruushka duqeymo joogta ah ku hayo.

Khudbadiisii ​​habeenkii Axadii, wuxuu sheegay inuu safar ku tagay magaalada Lysychansk iyo magaalada Soledar – isagoo sheegay inuu ku faanayo “qof kasta oo aan la kulmay {iyo} qof kasta oo aan gacan qaaday”.

Safarkan ayaa madaxweynaha,ayaa ah safar naadir ah oo uu ku tagay meel ka baxsan caasimadda Kyiv tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Febraayo.