Diyaarinta hindise xeereedka Booliska Puntland oo gabo-gabo maraya

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir gudoomiyay kulan looga doodayay hindise xeereedka Booliiska Puntland (Puntland Police Act) kaas oo qoristiisu marayso heer gebogebo ah.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo ah khabiir dhanka sharciyada ah,Wasiirka Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliye Ku Xigeenka Booliiska Puntland, Taliyaha Qeybta Gobolka Bari iyo xubno khuburo Booliis ah oo ka socda hay’adda UNDP.

Gebogebadii kulanka ayaa la isla qaatay in xeerkan la dhamaystiro muhiimna ay tahay in Booliiska Puntland yeesho xeer gaar ah.

-DHAMAAD-

Xafiiska Warfaafinta & wacyi-galinta Wasaaradda Amniga Iyo DDR ee Dawladda Puntland.