Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya Dastuuriyan markuu xilka ka dego muxuu xaq uleeyahay?

Qof bini’aadan ah shaqo uu qabto ama darajo uu gaaro,waxaa ugu saraysa Madaxweyne ama Boqor.

Markuu darajadaa gaaray,ayuu ka gudbay in uu ka wal-walo Fakhri nololeed,gaar ahaan Dowladnimada Somaliya.

Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya,Dastuuriyan markuu xilka ka dego,waxuu xaq uleeyahay..

B.8000-dolar oo Mushahaar hawlgab ah Bil walba.

T.25000-dolar Adeeg Bil walba ah.

J.4000-dolar Mushahaarka Xildhibaan sharfeedka uu noqdo marka uu xilka ka dego.

Wadarta Guud ee Lacagta Billaha 37000-dolar.

Haduu horay u ahaa Qof aan shaqaysan jirin oo aan Hoy ulahayn,waxaa kaga filan Dowlada markaa jirta in uu codsi uqorto.

Majirto baahi fakhri oo ku keeni karta Madaxweyne xil ka degay in uu waayo hoy uu ku hoydo oo Dowladnimada Somaliya,ayaa ka taxadartay.

Dhaqanka Farmaajo Maanta la yimid,waxuu bahdil ku yahay Dowladnimada iyo haybada Madaxweyne Somaliyed.

Laba ujeedo,ayuu ka leeyahay sida xogaha lagu helayo….

1.In uu sii haysto Dadkii aan indheer garadka ahayn ee la khalday.

2.In uu helo Wado uu uga baxsado Dalka iyo Danbiyadii uu galay,waxuuna rabaa in laga joojiyo Acount-yada Lacagahaas lagu ururinayo oo xaalad ku abuuranto.

Farmaajo iyo Dadka taageeraa,waa ka hooseysaa fahamkoodu mida caadiga ah ee Umadda.

Jibril Qoobey.