Maxay ahayd sababta Ergayga Ruushku uga baxay Fadhiga Golaha Amaanka

Ergayga Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa isaga baxay shirkii Golaha Ammaanka kaddib markii madaxweynaha Golaha Midowga Yurub – Charles Michel – uu Moscow ku eedeeyay in si ulakac ah u kicisay sicirka cuntada adduunka, kaddib duullaankii ay ku qaadday waddanka Ukraine.

Mr. Michel,ayaa shirka ka dhacayay New York waxa uu ka sheegay in Ruushka uu saadka cuntada u adeegsanayo waxa uu ku tilmaamay “gantaal qarsoodi ah” oo uu u adeegsanayo dalalka soo koraya.