Maxay kawada hadleen Duqa Caasimada Puntland iyo weftiga ka socday Qaramada Midoobey?

Duqa magaalada Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenkiisa iyo xoghayaha dowladda hoose Garowe, ayaa la kulmay masuuliyiin ka socday Sanduuqa Horumarinta Raasamaalka ee Qaramada Midoobay (UNCDF).

Masuuliyiinta ayaa waxay ka wada hadleen horumarinta caasimadda. Waxay booqdeen mashaariicda ka socoto magaalada Garowe oo uu kamid yahay dhismaha guriga dowladda hoose ee Garowe oo haatan meel fiican dhismihiisu uu marayo.

Sidoo kale, waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah, sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga magaalada Garowe iyo sidii loo keeni lahaa mashaariic badan oo laga wada shaqeeyo.

Madaxda ka socotay UNCDF waxay ku amaaneen masuuliyiinta dowladda hoose ee Garowe hoggaaminta mashaariicda horumarinta ee haatan socda iyo kuwa horey loo fuliyay.

Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi-galinta dowladda hoose Garowe.
Email: Garowecity.info@gmail.com
Our website: https://garowecity.pl.so/
Our Facebook: Dowladda Hoose ee Garoowe
Our Twitter : https://twitter.com/home
Our Youtube: youtube.com/channel/UCjZlIWAkCSoyhG_9zy32_9g