Wasaarada Maaliyada Puntland iyo Unicef oo ka shiray Mashruuca LDF

GAROOWE-Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan la yeeshay Madaxda ugu sareysa Hay’adda UNCDF/JPLG Soomaaliya oo kala ah Mkhululi Ncube, Bob Turdiye iyo
Madaxa Hayadda UNCDF ee Puntland
Maxamed Shire Jaamac.

Kulankan sidoo kale waxaa ka qayb galay Cabdi Fataax Maxamed Muuse oo u qabilsan Mashruuca LDF Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Kulankan intii uu socday ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Horumarka laga garay dadajinta Maaliyadeed, Saamaynta Guddiga Dhaqalaha Degmoyinka (Local Government Finance Committee),u diyar garoga Mashruuca cusub ee laga daah fuuri dona Magaalada Boosaaso bisha July. Mashrucasi oo loogu mugac daray ” Xalka Wara (Durable Solutions)
Iyo in Dowladda ku mahadsan tahay bixinta qoondada oo ay laba jibarantay.

Hay’adda UNCDF waxay fulisa Musharuca LDF – ( Local Development Fund) Sida dhisidda Waddooyinka, Dhisidda MCH, Dhismayasha ay Degmooyinka ay u baahan yihin, dayactirka hospitalada iyo Iskuulada.

Mashruucan ayaa ah mid laga hirgaliyay Puntland waxana uu ka shaqeya 11 Degmo ee dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland