Falanqaynta Waraysiga hordhaca Ee Fahad Yaasiin

Hordhaca waraysiga ay la yeellatay wakaallada Geylan Media Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxaa iiga soo baxay dhowr arrimood.

Waxaa ii muuqata in hay’adda saraakiisha hay’adda uu u diray farriin ah, wixii xog ah oo arrimihii hay’adda ka dhacay dhexdeeda haddaad la wadaagtaan Mahad, ogaada waa ay idin saameyn doontaa ee kaligeey ku ma noqon doono.

Arrimaha NISA inay wax ka ogtahay la qiyaasayo waxaa ka mid ah.

1). Dilkii Eng Yariisow
2). Dilkii Ikraan.
3). Isku-milanka NISA , Sirdoonka Itoobiya—Eritrea-Qatar.
4). Heshiiskii iskaashiga ee Soomaaliya & Itoobiya iyo dekedihii.
5). Dhaqaale tiro badan oo aan miisaaniyadda dowladda ku jirin oo howlo siyaasadeed loo isticmaalay.

Dhinaca kale, dhaqaale aruurinta, ciidanka oo muuqaallo laga soo duubo, waraysiyada kala duwan ee farriimaha dhiillada leh xambaarsan, waa tab iyo farsamo lagula dagaallamayo maamulka cusub, waana xamlad istish-haadi ah oo lagu beegsanayo teamka cusub ee talada yimid.

Fahad, wuxuu qirtay inuu ahaa dhallintii kacaanka Salafiyada ku barbaaray, ka shaqeeyey, walibana ku faanayo inuu qayb ka ahaa. Waxaa hadalkaasi isoo xasuusiyey, hadal hadda ka hor Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegey oo ahaa in Farmaajo oo xukun jecel iyo Fahad oo aragtida salafiga wataa isqaateen, labadaa fikirna is-arooseen.

Ali Ahmed Ali.