Madax Baanka Aduunka ka socota oo kulan la qaatay Wasaarada Maaliyada Puntland

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xassan Shire Abgaal,ayaa kulan la yeeshay Madax ka socota Bankiga Adduunka oo booqasho ku yimi Puntland.

Kulankan waxaa Wasiirka ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdi Cilmi.

Inta u socday shirka Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo wafdiga Bankiga Adduunka waxaa ay ka wadada hadleen mashaariicda Bankiga adduunku uu Puntland horay uga hirgaliyay iyo Dar-dar gelinta kuwa Socda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland