Maxaa looga xaajooday Shirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Bah-wadaagteeda?

Garowe, June 08, 2022: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qabatay shir ku saabsan isku Xirka hay’adaha bahwadaagta la shaqeeya Wasaaradda.

Shirkaan oo uu furay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Mire Xirsi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf ayaa isugu jiray labo qaybood oo ay si wada Jir ah u qabteen Waaxda Daryeelka Bulshada iyo waaxda Dowlaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Waxaana looga hadlayey wadashaqaynta Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo hay’adaha adeega siiya barnaamijka JPLG , waxaa kaloo shirka looga hadlay hagaajinta xiriirka hay’adaha daneeyaasha Barakacayaasha ( IDPs stakeholders ).

Shirka waxaa laga soo jeediyey Presentation ku saabsanaa horumarka laga gaaray barnaamijka xalka waara (Durable Solution) ee Loo sameeyey barakacayaasha ku nool deegaanada Puntland, waxaa kaloo shirka laga soo jeediyey Presentation ku saabsan horumarka laga sameeyey Barnaamijka JPLG,

shirkaas waxaa ka soo qeyb galay Agaasime Waaxeedyada iyo shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha UN-JPLG iyo dhammaan Hay’adaha bahwadaagta Wasaaradda kala shaqeeya arrimaha Bini’aadanimo iyo Barakacayaasha.

Dhammaad.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL.