Putin oo si weyn udhaleeceeyay Aflagaadada Nabiga NNKH Ee Hindiya

“Aflagaadada Nabi Maxamed waxay ku xad-gudbeysaa xorriyadda diinta taas oo dhaawacday shucuurtii muqaddaska ahayd ee dadka Islaamka.”Ayuu yiri Putin.

“Aflagaaddada ka dhanka ah Nabiga waxay meel uga dhaceysaa xorriyadda diimaha, waxayna ku xadgudbeysaa dareenka dadka heysta Diinta Islaamka,” ayuu yiri Putin, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS.

Madaxweyne Putin,ayaa carrabka ku adkeeyay in ficillada noocaas oo kale ah ay kicinayaan aargoosiga kooxo xagjir ah, sida weerarkii lagu qaaday Majalladda Charlie Hebdo ee magaalada Paris kaddib markii ay daabacday sawirro kartoon ah oo lagu dhaawacayo sharafta Nabiga (NNKH).