Qaramada Midoobey oo ku dhawaaqday in Somaliya qarka usaaran tahay Macaluul

Isagoo hadal kooban siinayey warbxinta Duhurnimo ee Afhayeenka Qaramada Midoobay,ayuu sheegay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula in aan la sugi karin in si rasmi ah loogu dhawaaqo macluusha Soomaaliya si wax loo qabto, taas oo noqon doonta mid soo daahda oo aan xilligaa wax laga qaban karin. Waxa uu xusay in Sannadkii 2011, abaartu ay horseedday dhimashada 250,000 oo qof, qayb ahaan sababtoo ah waxaan ka gaabinay inaan wax ka qabanno ayuu ku sheegay warbixinta. Waxa uuna hadalkiisa sii raaciyey in aan la ogolaan in taasi mar kale dhacdo.


“Waxaan sidoo kale ku sheegay warbxinta duhurnimo ee afhayeenka Qaramada Midoobay in boqolaal kun oo qof ay mar kale halis ku jiraan waxaanan ku boorriyay deeq bixiyayaasha iyo la-hawlgalayaasheenna in ay si degdeg ah u dhaqaajiyaan ballan-qaadyada ayna si degdeg ah u kordhiyaan gargaarka dadka Soomaaliyeed. Waa inaan hadda wax ka qabannaa si aan uga hortagno masiibo bini’aadantinimo,” ayuu yiri Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.


Mudane Adam ayaa beesha caalamka ka codsaday in lagu gacan siiyo ka hortagga macluusha oo sababi karta dhimasho aad u badan.


“Igula soo biira garaaca durbaanka si ay dunidu u fahanto culayska dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Waxaan ugu baaqayaa beesha caalamka in ay si degdeg ah wax uga qabtaan inta aan weli rajo ka qabno in aan ka hortagno gaajo iyo dhimasho baahsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee ee Qaramada Midoobay.