Taariikhdii Suldaan Salaaxu-diin Al-Ayuubi

Salaaxuddiin Al Ayuubi wuxuu ku dhashay magaalada Tikrit e, Ciraaq. Magaciisa rasmiga waxa uu ahaa Yuusuf. Salaaxuddiin waa laqab ​​sharafeed. Qoyskiisu waxay u badan tahay inay ka soo jeedaan kurdida, waxay usoo guureen Masar kahor tuulada Ajdanakan oo u dhow magaalada Dvin ee bartamaha Armenia. Xilligii salaaxuddiin, ma jirin caalim ka saamayn badan Sheekh Cabdulqadir Jilaani, Saalaxuddiinna aad buu u saameeyay.

Salaxuddiin waxa lagu tilmaama suldaankii ugu horreeyay e, Masar iyo Shaam, wuxuu ahaa aasaasihii salka u dhigay boqortooyadii Ayuubida. waxa uu hoggaamiyay ololihii militariga Muslimiinta ee ay kaga hortageen dowladaha Saliibiyiinta ee Levant. Waxa uu ahaa shakhsi muhiim u Ah halganka. Markii ay sarre u kacday awoodda suldaannimadiisu waxa ay gaadhay Masar, Suuriya, Mesobotaamiya Sarre (Ciraaq), Xijaas (galbeedka Carabta), Yemen, qaybo ka mid ah galbeedka Waqooyiga Afrika, iyo Nubia.

Salaaxudiin Ayuubi waxa uu ahaa halyey Muslim ah oo aad loogu xasuusto sidii uu magaalada barakeysan ee Qudus (Al-Qudus) uga xoreeyay Saliibiyiinta. Caaqilnimadiisi, deeqsinimadiisi & xitaa geesinimadiisa ma ahayn mid ay ixtiraami jireen Muslimiinta oo keliya, balse sidoo kale waxaa aad u ixtiraami jiray caddawgiisa.

Salaxuddiin wuxuu qandho ugu dhintay 27-kii bisha Safar 589 Hijriyada maagaalada Dimishiq. Inta uusan geeriyoon waxa uu qaybiyay masaakinta hantidii uu haystay xita ma reeban wax lagu aaso.
Marxuumka ayaa lagu aasay qabuuro ku yaalla bannaanka hore e, beerta Masjidka Umayyad magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya. ( AUN) Waxa uu ku geeriyoday cimriga 55. 55 -ka sano 23 sano kamida waxa uu joogay goob dagaal isago difaacaya diinta.

Xigasho: Amiir Sheeno