Video:-Hindiya oo Caafimaad bilaash ah ugu deeqday Baarlamaanka Somaliya

Kulanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Fadaraalka Sh.Aadan Madoobe iyo Safiirka Hindiya Danjire.Virander Paul waxaa kasoo baxay heshiis hordhac ah…

1-In Dalka Hindiya uu siindoono Xildhibaanada BJFS Caafimaad lacag la’aan ah oo si buuxda Dowladda Hindiya ay u damaanad qaadeyso dawaynta Xildhibaanada BJFS.

2-In Ciidanka Xoogga Dalka furimaha ku soo dhaawacma ee wax looga qaban waayo gudaha Dalka ay si lacag la’aan ah Dalka Hindiya loogu soo dawayn doono.

3-In la diyaarin doono Duulimaad toos ah iyada oo loo marayo Xaafiiska ra’isul wasaaraha Wasaaradda Duulista si loo sameeyo Duulimaad toos ah oo ka yimaada Muqdisho-Hyderabad.

4-In Dalka Hindiya uu bixin doono Deeqo Waxbarasho oo lacag la’aan ah .

Halkan ka daawo muuqaalka