Video:-Shacabka Muqdisho oo laga raaligeliyay xirnaanshaha Jidadka mudada Caleema saarka Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.

Halkan ka daawo muuqaalka