Waa tuma Gabadha Hindiyada ah Ee aflagaadaysay Nebi Maxamed?

Hindiya,ayaa wajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed oo ka dhashay hadallo muran badan dhaliyay oo sarkaal sare oo xubin ka ah xisbiga maamulka dalkaasi haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ku aflagadeysay Nebi Muxamed (NNKH).

Nupur Sharma ayaa 10 maalmood ka hor gefkaasi ku kacday kaddib markii ay ka qaybgashay dood TV, arrintaasi oo ka careysiisay Muslimiinta Hindiya, iyo in ka badan 12 dowladood oo Muslim ah.

Axaddii, xisbiga BJP ayaa shaqada ka joojiyay Sharma. Waxaa kaloo isna shaqada laga joojiyay madaxa qaybta warbaahinta Delhi ee xisbiga, Naveen Kumar Jindal, kaddib markii uu dadka la wadaagay sawirka aflagaadada ah.

Xisbiga BJP ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu ka soo horjeedo fikir kasta oo aflagaadeynaya ama hoos u dhigaya koox ama diin, waxa uuna intaasi ku daray in aysan “taageerin dadkaas ama falsafadda ay aamminsan yihin”.

Diblomaasiyiinta Hindiya,ayaa isku dayaya in ay ka dhaadhiciyaan waddamada Islaamka ee aad uga carooday gefka Nebiga (NNKH), waxay sheegeen in faallooyinka aysan ka tarjumayn mowqifka dowladda oo ay yihiin “aragtida xagjirka”.