Wargelin muhiim ah oo ka timid Wasaarada Waxbarashada Puntland

Wargelin muhiim ah.

Dhammaan maamulayaasha dugsiyada hoose, dhexe iyo sare waxaa lagu wargelinayaa in ay natiijadii imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2021-22 ay u soo gudbiyaan Guddoomiyayaasha waxbarashada gobollada iyo degmooyinka, iyada oo waqtigii lagu ballamay la taagan yahay.

Sidoo kale, waaliddiinta ayaa danaynaya in loo xaqiijiyo in ay gudbeen ardaydooda sannad-dugsiyeedka cusub.

Ujeeddada natiijooyinka imtixaanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland uga gol leedahay si looga hortago shahaadooyinka iyo bedellada been abuurka ah ee ku soo badanaya magaalooyinka waawayn dugsiyadooda, gaar ahaan dugsiyada sare iyo kuwa dhexe oo majoxaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland.

Waxa ay ka shaqaynayaan dhammaan masuuliyiinta waxbarashada gobollada iyo degmooyinka, kormeerayaasha gobollada, Waaxda Tayeynta iyo Tayodhawrka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare in ay qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka waxbarashada dugsiyada, isla markaana looga hortagayo wax kasta oo hagardaamo ku ah waxbarashada.

Ujeeddooyinka kale ee guud ee natiijada imtixaanka ayaa looga dan leeyahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeeddooyin kale oo ay kamid yihiin: baarista ardayga booda iyo caddaynta sugnaanta bedellada, hagaajinta maamulka dugsiyada, I.W.M.