Video:-Mid ka mid ah Mucaaradka Somaliland oo ku dhaawacmay iska hor imaad ka dhacay Hargaysa

Magaalada Hargeysa waxaa saaka ka dhacay bannaanbax ay soo qabanqaabiyeyeen xisbiiyada mucaaradka ah ee Somaliland.

Mudaaharaadkan,ayaa waxaa looga soo horjeedaa khilaafka doorashada Somaliland ee u dhaxeeya Mucaaradka iyo xukuumadda uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi.

Mid ka mid ah mucaaradka,ayaa ku dhaawacmay mudaharaadka,kaasoo lagu magacaabo Barkhad Batuun,waxaana ku dhacday Xabad.

Sidoo kale waxaa la xirxiray mas’uuliyiin ka mid ah mucaaradka oo hogaaminayay banaanbaxa.

Halkan ka daawo muuqaalka