Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Xasan oo soo gabagabowday

Xaflada caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa kusoo gabagabowdayTeendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdishu,waxaana kasoo qaybgalaya madax ka socota caalamka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxda caalamka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyattam, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mustafa Madbuuli, iyo madax kale oo ka socota caalamka.

Madaxda Dowlad Goboleedyada xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa loo caleema-saaray Madaxweynihii 10-aad ee Soomaaliya, waaxana Madaxweynihii ugu horreeyey ee mar labaad lasoo doorto.

Waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub, isla markaana u ballanqaaday taageerada Dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,ayaa sidoo kale sheegay in uu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo caleema-saarka madaxweynaha, wuxuuna sheegay in uu kala shaqayn doono Madaxweynaha cusub hagaajinta xiriirka labada waddan, sida ganacsiga.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu la yimid kalgacal iyo walaaltinnimo. Waxa uu sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay Soomaaliya, diyaarna u yihiin inay la shaqeeyaan.