Dowlada Somaliya oo xayiraadii ka qaadaysa Qaadka Kenya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.

Waxaa sidaasi sheegay wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay maanta oo Jimce ah.

Wuxuu sheegay in wadaxajoodyada arrintaa ku aaddan la soo afjaraya dhawaan, laba isbuuc kadibna la saxiixi doono heshiis rasmi ah.

Peter Munya ayaa uga mahadceliayay maxadweyne Kenyatta oo arrintan wadahadal kala yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Munya ayaa ka dalbaday ganacsatda qaadka inay is diyaariyaan madamaa loo furi doono suuqa Soomaaliya. Kenya ayaa sheegtay in qaadka laga dhoofin doono magaalada Siyeelo oo ay u dhow yihiin beeraha qaadka lagu beero.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya loo oggolaan doono in kalluunkeeda ay u suuqgeyso Kenya. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dal ku galka loo fududeeyn doono Soomaalida Imaneysa Kenya.

Qaadka oo markii hore laga dhoofin jiray garoonka Wilson ee magaalda Nairobi ayaa waxaa hadda ka dib laga dhoofin doonaa garoonka Isiolo oo u dhaw deegaannada uu ka baxa qaadka.

Soomaaliya ayaan ilaa haatan ka hadlin heshiiskan ay dowladda Kenya shaacisay.