Halkee marayaa loolanka hanashada Ra’isalwasaaraha?

Sida la filayo,waxaa kar-karsan magacaabistii Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada Fadaraaliga ah.

Madaxweyne Xasan waa masuulka leh awooda Dastuuriga ah ee magacaabista Ra’isalwasaaraha.

5-kooxood oo saamayntooda ku leh Madaxweynaha,ayaa garaba Qof wataa…

1.Haldoor jilib culus ah oo udhashay Beesha Abgaal waxay wataan Sadex Nin oo kala ah..

B.Axmed Dayib Nuur Cismaan.
T.Cabdiweli Gaas.
J.Saadiq Eenoow.

2.Xisbiga Damjadiid oo ay ubadan yihiin haldoor Beesha Habar-gidir ah waxay wataan Dhawr Nin oo kala ah…

B.Keynaan
T.Guuleed.
J.Cali Xaaji.
X.Cumar Cabdirashiid.

3.Deni iyo Axmed waa garab kaligood ah,waxayna rabaan in iyaga la siiyo Ra’isalwasaaraha oo Deni laga dhigo hadii kalena Axmed la siiyo oo Nin Beesha Ogaden kasoo jeeda loo dhiibo.

4.Ururada Haweenka iyo Aqoon yahan kale oo Rag ah waxay qabaan in jihada Siyaasada Somalida la weeciyo oo Gabar la siiyo Ra’isalwasaaraha lagana dhigo Marwo Hodan Ciise.

5.Beesha caalamka Dalal ka mid ah oo waa weyn waxay tilmaan ku bixiyeen Cumar iyo Gaas mid in loo qaato Ra’isalwasaaraha.

Madaxweyne Xasan,ayaa lawada eegayaa doorashadiisa.

Jibril Qoobey.