Dhaxal sugaha Boqortooyada Britain oo ka cooraday talaabada Qaxootiga Rwanda lagu dejinayo

Amiirka Wales ahna dhaxal sugaha taajka boqortooyada Britain ayaa ka cadhooday qorshaha dawladda Ingiriisku ku doonayso in ay soo galootiga sharci darrada ah ku geyso dalka Rwanda oo halkaa lagu hayo inta go’aan laga gaadhayo codsiyadooda magangelyo doonka ah.

Wargeysa The Times oo soo xigtay shakhsiyaad aanu magac dhabin ayaa sheegay in ay maqleen amiir Charles oo muujinaya inuu siyaasaddaas ka soo horjeedo.

Af-hayeenkiisa ayaa sheegay in amiirku aanu isku deyin inuu farageliyo go’aanka xukuumadda.

Badanaa xubnaha qoyska boqortooyada ayay dhiftahay in ay ka hadlaan arimaha siyaasada.

Dhanka kale mar sii horraysay ayaa maxkamadda sare ee dalkaasi go’aamisay in ay diyaaradda ugu horaysa ee dadkaa soo galootiga ah geynaysa Rwanda loo fasaxay duulimaadkaas oo noqon doona todobaadka dambe.