Deni oo kusoo hungoobay hankiisii raadinta ra’isalwasaaraha Fadaraalka

Xalay in ay kulmeen Xasan iyo Deni oo ay kawada xaajoodeen cida noqonaysa ra’isalwasaaraha ayay wararku sheegayaan.

Xasan waa udayriyay si cad Deni hankiisii noqoshada ra’isalwasaaraha Fadaraalka,sida wararku xaqiijinayaan.

“Igala shaqee Qofka noqonaya ra’isalwasaaraha balse adiga Kursigaas kuuma hayo,waxaanse wada qaban karnaa shaqo badan oo Dalkan hawshiisu labadeenuu noo yaalaa”In uu Xasan ku yiri Deni,ayaa la cadaynayaa.

Kadib Deni waxuu bilaabay markuu kasoo tagey Xasan in uu suuqa geliyo Dadkii uyimidna ku yiraahdo RW Ogaden baan siiyay,si gaar ah MJ ahaan Laba Wasiir oo “A” ayaan soo qaaday.

Balse warar hoose,ayaa sheegaya in Xasan uusan ku raacin Deni soo jeedintiisa ah hadaadan aniga isiinayn Beesha Ogaden kasoo xulo Ra’isalwasaaraha.

Xasan iyo Dadka ku wareegsan waxay qabaan in Kursigaas aan Deni lasiin,isla markaana Qof uu keenay aan lasiin,balse la siiyo Qof aan mucaarad ku ahayn kana fogayn.

Deni,waxa uu ka cararayaa in Qof isaga aan ahayn oo kasoo jeeda Beesha MJ uu talo ku yeesho Siyaasada Dalka xiligan.

Ilaa iyo hada Qofka noqonaya Ra’iasalwasaaraha ma cada,waxaana saaxada kusoo biiray Sadex Oday oo kale…

1.Jire
2.Ina Qoraxey.
3.Xamse.

Puntland haday lumiso ra’isalwasaaraha,waxaa muhiim u ah in Jubaland hesho,gaar ahaan Qof kasoo jeeda Beesha Ogaden,sababtoo ah khatar kuma ahan nidaamka Fadaraalka iyo horumarka Bulshada Puntland.

Jibril Qoobey.