Faallo:-Fahanka ah Xildhibaaan xasaanad buu leeyahay oo dacwadba looma qabsan karo!

Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya wuxuu siiyay Xasaanad Xildhibaaada Baarlamaanka iyo Garsoorayaasha, dad badan ayaa fahan khaldan kahaysta xasaanaddu waxay tahay sidaas darteed dhawr qodob ayaan halkaan hoose ku soo bandhigaynaa;

  1. Xasaanadda lasiiyay Xildhibaaanada iyo Garsoorayaasha macnaheeda dastuurka cadeeyay oo ah in aana laga carqaladayn shaqada adag ee ay Bulshada uhayaan oo aan dacwad ciqaab lagu oogin si looga hor istaago gudashada shaqadooda oo aysan ugu xad gudbin haayadda fulintu.
  2. Qodobka 70 aad ayaa qeexaya Xassaanadda Xildhibaanka
    Qodobka 70aad. Xasaanadda Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka
    Federaalka
    (1) Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa.
  3. Xildhibaaaka haduu xaasaanad haysto, macnaheedu ma in aan dacwad ciqaabeed lagu soo oogi karin baa? Faqrada labaad ee qodobka 70aad ayaa qeexaysa

Qodobka 70aad. (2) Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah. Sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays ah.

& Si kooban xildhibaanku xasaanad wuu leeyahay, lkn laba siyaabo dartiis ayaa loo hakin karaa sida qodobka sare ku cad;
A. Hadii golaha shacabka ogolaansho laga haysto
B. Hadii Xildhibaanku faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab tahy laga soo saaro amar qabasho.

  1. Dacwada madaniga ah Xildhibaanka ogolaansho la,aan xaga golaha ah ayaa lagu fulinayaa xildhibaanka.
    Isla qodobka 70aad ayaa qeexaya (3) Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacabka.
  2. Sidaas darteed sax maahan in dadka qaar uqaataan Xildhibaanku sharciga ka weyn yahay oo wuxuu rabo samayn karo isagoon lala xisaabtamin, saxna maahan dadka qaar xildhibaan unoqdaan si uu sharciga uga dhuunto, Sidoo kale sax maahan ladhaho hebel maadaamuu Xildhibaan ahaa looma dhawaan karin wuxuu rabana wuu samayn karay.
  3. Ugu danbayn Baarlamaanku waa haayada ay ka askumaan hayadaha kale ee dawladda , lkn sharciga ayaa kasareeya dhammaan hayada dawladdu isagayna u hogaansamaan.

Rule Of Law

Sarraynta Sharciga

WQ:-Abdalla Qanuni (Shine)