Halkee marayaa dayactirka Wadada isku xirta Sin-ujiif iyo Garowe?

Waxaan maanta kormeer shaqo ku tagnay
Mashruuca Dayactirka jidka isku xira Garowe-Sin-ujiif ee Gobolka Nugaal.

Waxaana kormeera qayb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Cabdirisaaq Maxamed Xayir iyo Injineero katirsan PHA.

Ujeedka safarka ayaa ahaa sidii loo soo qiimayn lahaa xaaladda Mashruucan oo maraya gaba-gabo islamarkaana loo diyaarinayo in la saaro Laami guud ahaan inta la dayactiray.

Injineerada iyo mas’uuliyiinta Shirkadda fulinaysa Qandaraaska ee Al-baashid ayaa mas’uuliyiinta hay’adda Waddooyinka kusoo dhaweeyay goobta shaqada waxayna ka warbixiyeen howlaha dayactirka ee ka socda Midigar.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dedaalka hay’addu ku hubinayso mashaariicda Dayactirka ee ka socda gobollada Puntland gaar ahaan Jidka halbowlaha ah oo dowladdu ku samaysay Dayactir xoog leh.