Khatar amni oo ka jirta caasimada Puntland Ee Garowe

Khatar amni oo xasaasi ah,ayaa ka jirta caasimada Puntland ee Garowe.

Farriimo,ayaa loo kala diray shaqaalaha UN-ka looga codsanayo in ay hakad geliyaan 72-saac ee soo socota dhaqdhaqaaqa iyo socodka goobaha shaqada iyo Kuwa dadku ay ku badan-yihiin.

Xogtaan oo ah macluumaad la isku halayn Karo jiritaankeeda,ayaa xaqiijinaysa in ay jiraan weerarro ay qorshaynayaan kooxaha argagixisada ah.

Garowe,waxaa laga dareemayay dib u dhac xagga Amaanka ah,waxaana gabi ahaanba yar ama aanan jirin dhaqdhaqaaqyo Ciidamada amaanka ee muuqda iyo kuwa qarsoon.

Habacsanaanta ugu weyn waxay ka imaanaysaa hogaanka Booliska Gobolka Nugaal oo ah Sarkaal ay hoosayso khibradiisa iyo kartidiisuba,waxaana lagu xasuustaa fashilkii ka qabsaday sugida amniga Bosaso.

Jibril Qoobey.