Madaxii khaarajinta sirdoonka Srael oo la dilay

Taliyihii Qaybta Khaarajinta u qaabilsanaa Hay’ada Sirdoonka Israa’iil ee Mossad,ayaa lagu lagu diley weerar diyaarado Drone ah ka fuliyeen magaalada Erbil ee taala woqooyiga dalka Ciraaq.

Saraakiil reer Galbeed ah ayaa WashintonPost u sheegtay in weerarkan lala beegsaday saddex baabuur oo marayey wado weyn oo dhex marta magaalada Erbil, baabuurtaas ayaa siday basaasiin yuhuud ah oo si gaar ah u tababarnaa, kuwaasoo ahaa bartilmaameedka ugu wayn ee diyaaraddaha Drone-ku beegsadeen.

Sida laga soo xigtey Intel Sky, oo ku takhasustay falanqaynta khataraha caalamiga ah, dabagalka duullimaadyada caalamiga ah iyo wararka xasaradaha la xiriira, ayaa sheegtay in sarkaalka khaarajinta Mossad ugu qaybsanaa lagu diley weerarka iyadoo weerarka ay fuliyeen Diyaarado bilaa duuliye ah.

Dawladda yuhuudu weli kama hadlin arintan,ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda duqayntan lagu dilay Taliyihii Qaybta Khaarajinta u qaabilsanaa Hay’ada Sirdoonka Israa’iil ee Mossad .

Abdirizak Jubba.