Madaxweyne Xasan oo qaabilay wefti uu hogaaminayo Wasiirka A.dibada Talyaaniga

Muqdisho, Juunyo 12, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Luigi Di Maio, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Talyaanigu ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya iyo in codka ay ku dhex leeyihiin Midowga Yurub ay ku kabaan horumarinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeey xilka loo doortay, waxa uuna soo bandhigay sida dowladda Talyaanigu ay ugu garab taagan tahay qorsheyaashiisa hormarineed ee ku qotoma Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Dowladda Talyaaniga ayaa kala shaqeynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, gurmadka abaaraha, deyn cafinta iyo in la xoojiyo maalgashiga caalamiga ah ee khayraadka dalkeenna.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Abdikadir Ali Dige
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia