Maxaa looga xaajooday Shirka Madaxda Qaranka Ee Maanta ?

Muqdisho waxaa maalintii labaad galay shirka u dhaxeeya madaxda Dawladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Shirka maanta waxa diiradda lagu saaray xaaladda bini’aadanimo ee ka dhalatay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya oo laga cabsi qabo in ay macluul isu rogto haddaan si degdeg ah loogu gurman dadka ay saameysay.

Madaxda ka qaybgalaysa shirka,ayaa warbixin kooban ka dhagaystay ergayga dhawaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud u magacaabay Arimaha Gurmadka Abaaraha ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.