Maxaad ka og tahay horumarka dhaqaale iyo Siyaasadeed Ee Imaaraadka Carabta?

Muddo haatan laga joogo Kaliya 50 ayaa loo aqoonsaday inay yihiin koox amiirro qabiil ah oo ku nool saxaraha Jasiiradda Carabta, laakiin hadda ku dhawaad nus qarni ka dib, waxay Isu tagga Imaaraadka ka dhigeen dal leh suuq furan astaanna u ah dhismayaasha dunida ugu dhaadheer.

Caasimadda Dubai ee isu tagga carabta oo 50 sano ka hor teendhooyin, cooshado iyo dhimayaal gaagaaban ka koobneed hadda waxay leedahay dhismayaal caalamka oo dhan looga soo daawasho tago.

Dhulka isu tagga Imaaraadka uu ku fadhiyo oo u badan dhul lama dagaan ah oo geela lagu raaci jiray timirtana laga goosan jiray maanta waxaa xaruumo ku leh jaamacadaha, warshadaha wax soo saarka dunida ugu waaweyn.

Waxaana caasimadda Dubai ku yaalla Huteello casri ah oo tayadoodu sarreyso heerkooduna yahay 7 xiddig (7 star), iyo goobaha laga dukaameysto oo caalmaka ugu waaweyn.

Waxaana intaa dheer Imaaraadka wuxuu ka mid yahay waddamo fara ku turis ah oo dayax gacmeed hawada sare u diray.

Sheikh Khaliifa bin Zayes bin Sultan Al Nahyaan oo geeriyooday bishii May ee sanadkan ayaa ahaa maskaxadi ka dambeysay horumarka dhan walba leh ee ay ku tallaabsatay iisu tagga imaaraadka wax ka yar nus qarni.

Tan iyo sanadkii 2004-tii ayuu Sheekh Khaliifa ahaa madaxweynaha Imaaraadka, waxaana madaxweynihii labaad ee soo mara waddankan carbeed.

Amiir ama Hoggaamiyaha Abu Dubai ayaa loo arkaa inuu yahay qofka dunida ugu qanisan hormuudkana u ahaa inuu dalkiisa uu ka mid noqdo waddamada caalamka ee horumarka looga tusaala qaato.

Sheikh Khaliifa bin Zayes bin Sultan Al Nahyaan 2014-kii markii uu faalug ku dhuftay ayuu ka fariistay shaqooyinka dowladda uu hayey inkasta oo isagu uu dalka madaxweyna ka sii ahaa sawirradiisana goob walba oo dalkaasi ka mid ah ay surnaayen.

Waxaana Sheekh Khaliifa si weyn loogu ammaanaa dal yar oo weliba saldanado yaryar oo qabiillo ka kooban uu u mideeyey isla-markaana uu uga dhigay mid ka mid ah dalalka ugu muruqa weyn xagga dhaqaalaha.

Sheekh Khaliifa waxa uu haystay mid ka mid ah bortooyooyinka ugu qanisan caalamka, dhaqaalaha qoyskiisuna waxa uu ahaa mid aad u baaxad wayn.

Waxaa la aaminsan yahay in isagu shakhsi ahaan uu lahaa hanti badan oo magaciisa ku astaysan.

Sanadkii 2008-dii, Majalladda ka faalloota arrimaha dhaqaalaha shakhsiyaadka ee Forbes ayaa hantidiisa gaarka ah ku sheegtay ilaa $19 bilyan oo doolar.

Marka laga soo tago shakhsi ahaan, qoyska Al-Nahyan ee boqortooyada dhaxalka u leh ayaa la rumaysan yahay inay haystaan hanti dhan adduun lacageed oo gaaraya $150bn (£123bn).

Dabayaaqadii 1960-kii Britain waxay biloowday iney ka huleesho waddamada khaliijka ee ay guumeysan jirtay.

Ingiriisku wuxuu halkaasi tagay qarni ka hor xilli ay ciidamo ay qabaa’illada leeyihiin ay dhaceen tareen xamuul oo halkaa marayey.

Wuxuu Ingiriiska khaliijka uu u soo diray ciidamo ilaaliya tareenka si aan markale loo dhicin wixii intaa ka dambeeyeyna Ingiriiska wuxuu iskusii balaladhiyey wadamada khaliijka oo dhan.

Markii ay waddamada khaliijka bilaabeen iney saliid la soo baxaanna Ingiriisku wuxuu go’aansaday inuu ka baxa dalkaasi maadaamaa uu arkay iney khatar uga iman karto.

Kaddibna qabaa’illadi dagayey dhul kala qoqoban oo lix imaaradood ka kooban oo kala ah ((Dubai, Abu Dhabi, Sharjah, Ajman, Um-Al-Quwain iyo Fujairah) waxay isugu yimaaddeens shir ay ku midoobayaan.

Bishii December 1971-kii lixdii Imaaradood wey midoobeen oo waxay dhisteen dal madax bannaan oo loo bixiyey Isu tagga imaaraadka carabta. Bilooyin kaddibna waxaa ku soo biirtay Imaarada Ras Al Khaimah sidaa ayaana lagu dajiyey khariidadda UAE.

Madaxweynihi ugu horreeyey ee iisu tagga imaaraadkana waxaa loo doortay Amiirka Abu Dubai Zayed bin Sultaan Al-Nahyan.

Kaddib saliid ayey soo saarteen waxaana dalkaasi u billaabatay qaninimo sababtay iney muwaaddiniinta dalkaasi ku noolaa oo dhan ay lacageystaan.

Waddamada Khaliijka sida Sacuudi Carabiya, Cumaman, Qadar, Baxrain iyo Kuweyt iyaguna waxay mareen waddo taa la mid ah.

Isu tagga Imaaraadka Carabta maanta wuxuu ka mid yahay quwadaha dhaqaalaha ee dunida ka muuqda siyaasadda bariga dhexe iyo dunida muslinkana sameyn ku leh.

Dhaqaalaha ugu badan ee dalka Iisu Tagga Imaaraadka wuxuu ku dhisan yahay Saliidda halka ganacsiga iyo dalxiiskana ay ku jiraan kaalamaha labaad iyo seddexaad.

Imaaaraadka Carabta horumarka dhaqaala iyo suuqa furan ee ganacsiga oo lagu ammaano marka laga soo noqdo waxaa lagu dhaliilaa arrimo la xidhiidha xuquuqda aadanaha.

Waxaana dalkaasi lagu tilmaamaa inuu xuquuqda muwaaddiniinta uu dhowrin ahmiyadna ay siinin. Xorriyadda saxaafadda ayaa ah mid xaddidan.

Ciddi nidaamka dowladda Imaaraadka dhaliisho waxay la kulmeysaa xarig iyo dil.

Warbixin ay Amnesty International soo saartay 2012-ka waxay ku sheegtay Imaaraadka iney ka dhacen xarig wadareed, macabiista oo xadgudub baahsan loo geysto iyo xorriyadda saxaafada oo aad u liidato.