Qodob muhiim u ah Amniga Qaranka oo Madaxda Somalidu dib ukor istaagtay

16-kii bishii April ee sanadkii 2017-kii madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Somaliya,ayaa London ku gaaray heshiis siyaasadeed oo salka ku haya hannaanka amniga Qaranka.

Heshiiskan waxaa 8-dii bishii May ee sanadkii 2017-kii ayiday Golaha Amniga Qaranka ee Somaliya.

Balse nasiibdarro heshiiskaas,waxaa fulin wayday Dowladii Farmaajo,waana Qodob ka mid ah Ajandihii Qaran ee horyaalay oo ay ahayd in ay fuliso.

Afar Qodob oo heshiiskaas London hoosta looga xariiqay ayaa kala ahaa….

1.Tirada ay noqonayaan Ciidamada amaanka Somaliya,Militeriga iyo Booliska iyo sidoo kale dabagalayaasha rayidka ah.

2.Doorka ay Ciidamada amaanka Somaliya ku yeelanayaan heerka Dowlad Goboleedyada.

3.Hoggaanka taliska ciidanka amaanka Soomaaliya si loo kala caddeeyo doorarkooda iyo hay’adahooda kala duwan heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

4.In la caddeeyo mas’uuliyadda dhinaca canshuuraha ee Ciidamada amniga heer federaal iyo heer Maamul Goboleed.

Qodobka dib u habaynta Ciidamada waa mid muhiimad gaar ah uleh dib udhiska Dowladnimada.

Hay’adaha amaanka qaarkood,ayaa mudan in dib loogu noqdo sharciyadda ay ku fadhiyaan iyo awoodaha ay leeyihiin.

Ilaa iyo hada sharci la isku raacsan yahay lama samayn oo xadidiya Ciidamada,kaasoo keenay in Madaxweynihii yimaada sidii uu rabo u isticmaali karo Ciidamada.

Ciidanku in aysan noqon mid aan sharciyad ilaalin oo Madaxweynihii markaas Kursiga ku fadhiya aragtidiisa iyo rabitaankiisa fuliya si looga hortago,ayaa dadajinaysa dib uhabaynta Ciidamada.

Madaxda Somalida waxay ku amaanan yihiin in kulankoodii ugu horeeyay mudo xileedkan cusub ee Xukuumada Fadaraalka ay bilaabaan in dib loogu laabto heshiisyadii horay loo wada galay kadibna sharciyad la isla oggol yahay loo wada sameeyo.