Video:-Maxay ahaayeen Qodobada ugu muhiimsan ee laysku raacay Shirka Wadatashiga Qaran

Qodobada la isku afgartay ee kasoo baxay Shirka Wadatashiga Qaran,ayaa u dhignaa sidan…

I. DHAMAYSTIRKA DHISMAHA DOWLADNIMADA SOOMAALIYA

Iyadoo la tixraacayo lifaaqa heshiiskii 27 Maajo 2021 ee Dhameystirka Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya oo ay Golaha Wadatashiga Qaranka gaareen, Goluhu wuxuu isku raacay inuu diiradda saaro, mudnaan gaar ahna siiyo arrimaha soo socda:

1. Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.

2. Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada.

3. Goluhu wuxuu isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.

4. Goluhu wuxuu si wadajir ah isugu raacay in la xaqiijiyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho oo lagu xaliyo khilaafaadka ragaadiyey dowladnimadeena.

5. Goluhu wuxuu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

6. Goluhu wuxuu ku heshiiyey taabba-gelinta, dardar-gelinta iyo dhamaystirka hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara ilaa heer degmo, loona daadejiyo dowladnimada.

7. Goluhu wuxuu isla qaatay dhamaystirka hannaan garsoor madax-bannaan, hufan, isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.

II. XAALADDA ABAARAHA

Goluhu wuxuu isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa. Wuxuu kaloo Goluhu ku baaqayaa in la mideeyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan. Sidoo kale, Goluhu wuxu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka inay kaalin buuxda ka qaataan xaaladda abaaraha ee taagan.

Halkan ka daawo muuqaalka