Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo gaaray Qardho

Qardho 12.June.2022 Wasiirka Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim iyo wafti uu hogaaminaayey ayaa gaaray degmada Qardho ee Xarunta gobolka Karkaar halkaas oo uu u gaaray hawlo shaqo.

Wasiirka ayaa lagu soo dhoweeyey duleedka Qardho oo ay kusoo dhoweeyeen Gudoomiyaha Gobolka karkaar, Ku xigeenka, Xiriirka kubadda Cagta Puntland, Isku duwaha Gobolka, Gudoomiyaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Dalada Dhallinyarada gobolka, Kooxaha Ciyaaraha degmooyinka, iyo Qaybo kamida Shacabka Qardho.

Dhanka kale Wasiirka ayaa Booqday garoonka kuubadda cagta ee Qardho kaas oo dhismihiisa socdo, sidoo kale wasiirka ayaa kulan kula qaatay Xafiiska Gudoomiyaha gobolka Madaxda gobolka, Madaxda Ciyaaraha iyo Dalada Dhallinyarada halkaas oo ay uga war bixiyeen shaqooyinka gobolka ka socda iyo diyaar garowga furitaanka Ciyaaraha degmooyinka Gobolka Karkaar oo galabta ka furmi doona Garoonka Boobe.

Wafti ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinaayey agaasimaja Waaxda Ciyaaraha Maxamed Burci iyo Madaxa Tababarada ee Xiriirka Mustafe Majacase.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa u mahad Celiyey Madaxda iyo Shacabka sida diiran ugu soo dhoweeyey Xarunta gobolka Karkaar.

      …………….DHAMAAD……………………..

WIXII FAAH FAAHINA LA XIRIIR
E-mail: info@molys.pl.so
KUSOO BIIR TWITTER KEENA
https://twitter.com/molys_puntland
WABSITE KEENA
https://molys.pl.so/
KUSOO BIIR YOUTUBE KEENA / KANA SOO DAAWO
https://www.youtube.com/channel/UC-fekhCtkHoKaIuuUfU2cGA/featured
KUSOO BIIR INSTAGRAM KEENA
https://www.instagram.com/molys_puntland/

Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland